Dad hor leh oo loo soo qabtay kiiskii Xamdi Maxamed Faarax

30

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ciidanka Booloiska ay weli waddaan baaritaano ku aadan falkii lagula dilay, laguna kufsaday marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sidoo kale sheegay in shalay ay gacanta ku dhigeen illaa 11 Eedeysane oo falkaasi lagu eedeeyay, islamarkaana ay hadda baaris ku socoto.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo falkaasi lagu eedeeyay.

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qalin-jebisay dugsiga sare ayaa kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maaj, degmada Waabari ee gobolka Banaadir.