Sadax qof oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur ku geeriyooday, ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, hayeeshee dadka tuulada waxay sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray