Dad lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Magaalada Hobyo ee Gobolka Gedo

17

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa magaalada Hobyo ee gobolka Mudug saacadihii la soo dhaafay ka sameeyey howlgallo culus.

Howlgalladaas ayaa lagu soo qabqabtay dad badan oo la sheegay inay ka ganacsa jireen daroogada.

Ciidamada ayaa fariisimo ka sameystay qeyb badan oo ka mid ah magaalada, waxayna sheegeen inay ka hor-tegayaan ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriyaa oo aad ugu badan magaaladaas.

Sidoo kale saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas ayaa sheegay inay xaliyeen khilaafaad salka ku hayey arrimo dhul oo waayihii dambe ka jiray deegaanka.