Dad Shacab ah oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

40

Illaa hadda ma jirto cid faahfaahin ka bixisay cidda ay ka tirsanaayeen wiilasha la dilay iyo sababta loo diray, waxaana goobta ka baxsaday rag bastoolado ku hubeysnaa oo dilkaas geystay.

Ciidamada ammaanka oo dilka kadib goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaano kooban, waxayna halkii lagu dilay ka qadeen meydadka labada wiil.

Shalay ayey aheyd markii ku dhawaad 10-qof siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray askar iyo dad shacab ahaa, waxaana qarax ka dhacay Shibis lagu dhaawacay laba masuul.

Sikastaba muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayey caasimadda Muqdisho falal ammaanka liddi ku ah, waxayna dhacdooyinkan ku soo aadayaan, xilli dalku uu jiro marxalad doorasho.