Dagaal beeled ka dhacay Shabeeladda Hoose iyo dad shacab ah oo lagu dilay Halkaasi

46

Faahfaahino kala duwan  ayaa waxa laga helaya dagaal beleed u dhaxeeyo labobeelood oo wada degan tuulooyink hoos yimaada degmada walanweyn ee gobolka shabeeladda Hoose

Gaar ahaan degaanka Duruqweyne oo dhanka koonfureed ka xiga  Yaaqbariweyne  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka degaankaas lagu dilay seddex  qof oo Shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay hal goob ku dileen dadka Shacabka ah xilli ay ku sugnaayeen Tuulada Duruqweyne oo u dhow degaanka Yaaqbariweyne oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka la dilay ayaa waxa ay aheeyen dad xoolo dhaqato ah kuwaasi oo xoolo ku heystay deegaanka

Nabadoon Abuukar Maxamed Cabdi  oo loo garan ogyahay Nabadoon Aw Wiig ayaa waxa uu sheegay in dadla la dilay aay hayeen dad xoolo dhaqato waxana uu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyn mid ka mida beelaha degaan halkaasi oo ah beeraley

Sidoo kale Nabadoon Abuukar Maxamed Cabdi Nabadoon Aw Wiig  Ayaa waxaa uu sheegay  in dilkaan uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo horay uga jiray degaankaas, isla markaana maleeshiyaadkii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horay uga dhaceen dagaal beeleed ku bilaawday dilal qorsheysan balse markii dambe isku bedelay in dad nool inta la dilo hadane la gubo, waxaana kala dhex-galay Dowladda Soomaaliya & Maamulka koonfur Galbeed oo Ciidamo geeyay.

Wararka laga helayo degaanka DURUQWEYNE ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed, taas oo salka ku heysa dadka la dilay.