Dagaal Beeled Mar kale Ka Bilowday Gobolka Galgaduud

57

Warar laga helayo Galmudug  ayaa sheegaya Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa saakay waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka xananbuure ee Gobolkaas, kaasi oo socday muddo kooban.

Dagaalkan ayaa salka ku haayo arrimo la xiriira dul-daaqsimeedyo ku yaalla duleedka deegaanka xananbuure, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada gaaray halka uu dagaalka ka dhacay ayaa wada dadaadlo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka dhexmaray maleeshiyaadka iyo sidii lagu kala qaadi lahaa labada dhinac.

Ilaa iyo hataan lama ogo Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, isla markaana waxaa deegaanka gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug oo fariisimo ku leh meel ku dhow xananbuure.

Dagaal beeleedyo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa kusoo lab-laabtay sanadihii ugu dambeeyay deegaano hoostega Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka saakay mar kale ka qarxay deegaankaasi ayaa waxa uu ka bilowday dilal la xiriiray aano qabiil iyo dul-daaqsimeedyo la isku heysto

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxa ay kala dhexdhigeen labadaan maleeshiyo beeled Ciidaan Qaboojiyo dirirta