Dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

36

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay deegaano hoos taga Balcad.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalka ayaa ka qarxay deegaanada Basra iyo Daniga, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa intii uu socday waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.