dagaal dhexmaray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha

55

Askar ka tirsan ciidamada illaalada xaduudaha dalalka Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku dhaawacmay kadib iska horimaad labada ciidan ku dhex maray qeyb ka mid ah xaduuda ay labada dal wadaagaan

Warbaahinta Shiinaha ayaa laga soo xigtay in ciidamadooda oo ku jira hawlgal roondo in ciidamada Hindidu weerareen ayaguna ka jawaabeen waxaana weerarkaasi dhacay xaduuda dhanka magaalada Saakim la yiraahdo.

Wasaaradda gaashaandhiga Shiinaha waxaa ay sheegtay in dagaal saacad ku dhawaad socday uu ku jiro khasaaro labada dhinac soo gaaray

Warkaan inta uu gaarsiisanyahay khasaarahaas laguma sheegin.

Dawlada Hindiya dhankeeda waxay sheegtay in ciidamadeeda xaduuda jooga ay ka hortageen ciidamo Shiinees ah oo isku dayay inay dhanka Hindiya isoo gudbaan.

Isla goobtaan bishii June sanadkii hore labaatameeyo askari oo Hindi ah ayaa ku geeriyootay kadib dagaal ku dhex maray ciidamada labada dal.