Dagaal dhimasho sababay oo Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

115

Ugu yaraan Saddex Qof oo ay ka mid tahay Haweeneey ayaa ku geeriyootay dagaal dhex maray Malleeshiyaad Hubeysan iyo Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Dirirtan oo Saakay aroortii ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo ayaa salka ku haysa markii ay Kooxo ka ganacsada Maandooriyeyaasha oo ay Ciidamadu ka saareen Magaalada dib ugu soo rogaal celiyeen goobihii ay ku sugnaayeen.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waloow ay jiraan dedaallo la doonayo in lagu qaboojiyo xasaradda halkaa ka taagan.