Dagaal ka dhacay deeganka Janaale Sh/Hoose

48

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka shabellada Hoose ayaa tilmaamaya in dagaal u dhexeeya ciidamada xoogga iyo kuwa Nabad diidka Al-Shabaab uu ka dhacay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Gobolka Shabellada Hoose & kuwa xoogga.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta laga maqlay tuulooyinka ka agdhow deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Somalia ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ma sheegin tiradooda.

Xaalada degaanka Janaale ayaa ah mid degan waxana socdo howlgalo ay wadaan Ciidanka dowlada iyo kuwa Shabellada Hoose.