Dagaalkaan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka Bacadweyne ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug iyo dagalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa Maanta ka dhacay deegaankaas, waxaana laga helayaa faah faahino.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Bacadweyne, wallow markii dambe dagaalka oo muddo kooban socday uu istaagay.