Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeeladda Hoose .

25

Faahfaahin dheerad ah ayaa waxaa laga helayaa Dagaalka geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay deeganka  Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen  Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsaneyeen labada dhinac,basle weli aysan helin khasaaraha ka dhasay, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ays heegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weeraro ay ku qaadeen degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gduaha u galeen degaankaas, in kastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga.