Dagaal & Qarax Lagu Qaaday Ciidamo Ku safrayay Gobolka Hiiraan

68

Faah faahino dheeraad ah aya helayaa  dagaal ka dhacay  degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan  dagaalkaasi ayaa waxaa  u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab. 

Al-Shabaab aya qarax la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay Sheegayaan Goob joogayaal ku sagaan Goobta uu dagaalka ka dhacay .

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in  gaadiidka Ciidamada Dowladda lala beegsaday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah, kaddibna uu bilaawday dagaal toos ah oo laba dhinac dhex-maray, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas ka dhacay degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan 

Saraakiisha  ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay tilmaamaeyn  in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan , isla markaana halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidaanka Xooga dalka Soomaaliya

Ciidamada la weeraray oo ka tirsan qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay ka yimaadeen dhinaca degmada buulo-Burde, waxaana la sheegay inay ku wajahnaayeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, balse ay weerarka la kulmeen intii ay wadada  ay marayeen .

Dagaalkaasi iyo qarax waxa masuuliyadooda Sheegatay Al-shabab oo inta badan Werero Dadha gal ah ku qaada Ciidamada Dowlada Xiliyadda ay ku safrayaan dhulka

Dagaalkaan ayaa waxa uu ku soo aaday xili habeenkii xalay Al-shabab ay weerareen Ciidamada Dolwada ee ku sugan Gobolka Jubadda Hoose

Todobaadyadii Ugu dambeyay ayaa waxa ay Al-shabab bilaabeyn Dagaalada ay ku qaadaaan fariisamada Ciidaanka dowlada ay ku leeyihiin Gobolada Dalka