Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Bariire

81

Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka.

Ciidamada dowladda oo markii hore ku jiray feejignaan dheeri ah ayaa dagaal kala hortegay maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaal ay soo tuureen Al-Shabaab qaarkood ay ku dhaceen xaafado ay daganaayeen dad rayid ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu diriray dhad-dhaqaaqyo ka wada ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kala hortegay maleeshiyada Al-Shabaab.