Dagaal khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo ka dhacay Awdheegle

66

Xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa xalay dagaal culus uu ku dhex-maray duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen lolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye & Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi