Dagaal Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Matabaan

79

Wararka aan ka helayno duleedka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dagaal uu ka dhacay halkaasi, waxaana dagaalamay Maleeshiyaad hubeesan oo oo isbaaro u taalay duleedka Matabaan iyo Ciidamada amniga Galmudug oo ay weheliyaan kuwa Dowladda Federaalka, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaasi.

  1. Malleyshiyaadka ayaa isbaaro dhigtay degaanka Dhisaqa, waxaana la sheegay in  Ciidamada Haramcad iyo Boolis ka socda Saldhigyada Guriceel yo Matabaan ay Deegaanka si nabad ah kula wareegeen,waxaana markii hore goobaha lala wareegay Isbaaro ay u taalay Malleyshiyaad hubeysan oo dadka shacabka ah dhibaatayn jiray, kana qaadi jiray lacago baad ah, sida ay sheegen daka degaanka.