Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Gedo.

35

Faahfaahin dheerad ah oo aan ka helayno degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Habeenkii Xalay dagaal xooggani uu ka dhacay duleedka Degmadaasi, waxaana kasoo baxaya faahfaahino kala duwan oo la xariira dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Kenya ee ku sugan Gobolkaasi Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo.

Wali lama caddeynkaro Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in ay macquul taahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo weli wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo we gobolka Gedo.