Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Baay Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

76

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo socday muddo dhow saacad ah, sida aan wararka ku helnay.

Dagaalkaas ayaa ka dhacay degmada Diinsoor ee Baay, waxaana uu ka dambeeyay ka gadaal markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Diinsoor, .

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkii ka dhacay degmada Diinsoor, waxaana uu weerarkaas kusoo aadaya, iyadoo shalay dagaal geystay khasaaro kala duwan uu Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Bakool.