Dagaal kooban oo ka dhacay Degmada Marko SH.HOOSE

38

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan weeraro ay Al-shabab ku qaadeyn baro control oo ku yaalo degmada Marko ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidamada Amanka ayaa iska difacay weerarkaasi gaadmo oo ay soo qaadeyn Al-Shabaab, waxana ay dib ugu labteen goobihii ay weerarka ka soo qaadeyn.

Goob joogayaal la hadlay Najah Online ayaa sheegay in ilaa iyo in la badan shan bar kontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Amaanka la soo weeraray isla markana la maqlay dhawaqa jug oculus.

Xaalada Degmada Marko ayaa saakay ah mid degan waxana goobihii lagu dagaalamay waxaa hadda ku sugan ciidamada booliska.