Dagaal lagu jabiyey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Baay

29

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kolmaan oo 30 KM u jira degmada Diisoor ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada, waxaana xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen illaa 2 xubnood, sidoo kalena ay ka dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda uusan soo gaarin wax khasaare ah, islamarkaana ay sii wadi doonaan howl-gallada ay ka wadaan hakaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.