Dagaal markale dib uga bilowday Deegaanka Qalanqale

173

Wararka ka imaanaya Degaanka Qalan-qale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhow in halkaasi dib uga bilowday dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed, kuwaasoo degaankaasi ku dagaallamayay Saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaalkii degaanka Xananbuue, waxaana hada ay kusoo jeedaan degaanka uu dagaalku ka socdo

Ku dhawaad 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalkii shalay.

Dhinacyada dagaalamaya oo mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .