Dagaal weli ka socodo Beled-Xaawo iyo Faah-Faahino kasoo baxaya

38

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur janan ayaa weli ka socda degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo soo bilaawday xalay sqdii dhexe ayaa waxaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo oo la sheegay inay galeen Ciidamada uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland.

Goobaha dagaalka xoogiisa uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Dabaqa Xarunta u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana dagaalka ka qeyb qaadanaya Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.