Dagaal Xalay ku Dhexmaray Al-Shabaab & Ciidamada Kenya Jubada Hoose

55

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka ka dhacay degaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shacabka degaanka Taabta ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dagaalkaan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland kama aysan hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay