Dagaal xoogan ooka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

33

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay xalay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyhiin gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Arbacow oo ka tirsan deegaankaasi oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaaas iyo weerarka ha horreeyey intaba.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM, iyadoona kadib dagaal halkaasi uu ka dhacay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo kuwa AMISOM.