Dagaalka U dhexeeyo Ciidamada Dowlada oo Ku Soo Badanaya Magaalada Muqdisho

45

Faah faahino Dheerad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa tirsan Booliska dowladda Soomaaliya oo xalay Fiidkii waxa ay  Israsaaseyn kooban ku dhexmartay Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo  halkaasi ayaa sheegay Israsaaseynta ay timid, kadib markii Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaashiid ay iska shakiyeen Ciidan kale oo watay Mooto laba lugaaley ah, kadibna mar qura laga war helay rasaas bilaabatay.

Labbo  Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku geeriyooday goobta, halka laba qof kalena oo shacab ahaa dhaawac uu soo gaaray, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Israsaaseyntii khasaaraha geysatay ee  xalay  ka dhacday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacda Israsaaseynta dhex marta Ciidamo Kawada tirsan dowladda waxaana ugu dambeysay midkii Shalay ciidamo isku heysto arrimo dhul uu dagaal ku dhex maray Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir