Dagaallo lagu jabiyey Al-Shabaab oo ka dhacay Janaale iyo Buula-Mareer

47

Warar kala duwan ka soo baxaya dagaallo khasaare culus lagu gaarsiiyey maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanada Janaale iyo Buula-Mareer ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalladaan ayaa waxaa si wadajir uga qeyb-qaatay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, kadib weeraro uga yimid dhanka maleeshiyada A-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka war-heleen weeraradaasi, islamarkaana ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.