Daroofo adag oo Ku Gadaaman doorashada Baarlamanka Hirshabelle

59

Xili shalay ay ku beegneyd sanadguuradii ka soo wareegtay markii la  dhaariyay baarlamanka maamulka Hirshabelle ayaa waxa dad badan ay  isweydiinayaa wax yaabihii u qabsoomay muddaasi.

Baarlamanka Hirshabelle ayaa waxa uu ka mid yahay baarlamanka ugu shaqada yar marka laga hadlayo maamul goboledyadda kale ee dalkaka dhisan  waxana jirta in mudadaasi ay yartahay waxa u qabsoomay.

Sidoo kale baarlamankan Hirshabelle ayaa waxa hareeyay guud ahaan qilaaf siyaasadeed iyo wax qabad la’aan mudadii uu jiray.

Dhinaca kale waxa jirtay in tiro Xildhibaano ah lagu dilay bartamaha magaalada Jowhar iyo wadad  xariiriso Muqdisho iyo Jowhar taaso dadka qaar ay tilmamayaan in ay cabsi ay qaban darteyd aysan howlo badan oo horyaalay ay u gudan waayeen.

Xildhibaan Canab Axmed Ciise waa gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka maamulka Hirshabeele waxa ay qabtaa in ay ku soo shaqeeyeen afartii sanno daroofo adag oo dhanka amaanka ah kuna waayeen saxiibo badan oo ay golaha kuwada jiren waxana ay sheegtay in taasi laga gudbayo waloo aysan muuqaan qorsho cad oo looga gudbi karo marka la eego sida uu u shaqeeyo barlamanka Hirshabelle

Sidoo kale Shalay gelinkii dambe waxa magaalada Jowhar gaaray wafdi uu hogaaminayay  gudoomiyaha Barlamnka maamulkaasi  Sheikh Cusman Barre Maxamed waxa uu tilmaamay in mudadii ay Xildhibaanada Barlamnka Hirshabelle ay shaqeynayeen ay  wax badan ka qabteen w

Gudoomiye Sheikh Cusman Barre Maxamed wuxu sheegay in ay wadaan qorsho doorasho waloo in ay doorasho dhacdaa weli ay su’aalo badan ay ku gadaaman yihiin kadib markii si cad loo diiday gudi doorasho oo dhawan la magacaby .

Gudoomiyaha Barlamanka Hirshabelle  Sheikh Cusman Barre Maxamed ayaa waxa uu aminsanyahay in mudadaasi ay wax badan u qabsoomeyn .

Baarlamanka Hirshabelle oo xiligaan ay u dhamatay muddo xileedka ayaa waxa loo fadhiya sidii loo soo dooran lahaa midkii bedalilahaa Baarlamanka hadda jira .