Dayniile:-Wiil walaakiis ku dilay Tooreey

103

Wararka laga helayo Xaafadda lagu magacaabo Siisii ee ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa ku warama in nin walaalkiis ka yar uu Tooreey ku dilay iyada oo dhacdadaan ay argagax ku noqotay dadka deegaanka.

Ninka falkaan foosha xun ee dilka ah geystay ayaa lagu magacaabaa Nuur Ciroobe waxaana uu dilay Walaalkii ka yar oo lagu magacaabi jiray Nuur Ciroobe,isaga oo sida la sheegay ku dilay albaabka hore ee guriga ay deganaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Deyniile ayaa tegay guriga ay dhacdadaani ka dhacday waxaana ay baadi goobayaan ninkii falkaas geystay oo baxsad ah maadaama uu dil fool xun geystay