Ded-deg General Bariise oo loo diiday in uu Muqdisho ka dhoofo

35

Warar aan ka heleyno garoonka diyuuradaha ee Adan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta loo diiday in uu ka dhuufo Muqdisho Gen Cabdulaahi Xasan Bariise Oo Saacado Ku Xayirnaa Garoon Aadan Cadde Ka Dib Markii is hor istaag lagu sameeyay In Raaco Diyaarad U Socotey Magaalada Jowhar ee Xarrunta maamulka Hirshabelle

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  Muran Dheer Iyo Dood Kadib in  Gen Bariise Loo Ogolaadey In Uu ka dhoofo Garoonka .

Sida aan ka soo xiganay  Dad Raacayey Diyaarada Bariise Loo Diidey ayaa waxa ay inoo sheegeyn in Muddo ay garoonka ku xayirneyd Diyaaradda uu la socday Gen Bariise balse mar dambe uu taliyaha uu taleefoono uu dirsaday kadib loo fasaxay in uu sii wato safarkiisa ku socday jowhar .

Ilaaiyo hadda kama hadlin laamaha amaanka ee garoonka Aadan Cadde  dhacdadan loogu diiday in uu ku safro Gen Cabdulaahi Xasan Bariise.

Mar aan isku daynay in aan la xariirno taliyaha ayaa uusan ka jawaabin telefoonka

Wixi ku soo kordha waxa ka Akhrisan doontaan Halkaan  .