Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga

46

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu xanuun deg-deg ah ku soo booday, xilli uu booqasho ku joogay magaaladaasi.

Cali Khaliif ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, wuxuuna mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, gaar ahaan xilligii dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuumka ayaa ku dhashay Magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool, sanadkii 1941-dii, waxaana  hadda da’diisu aheyd 78 sano jir.