Deg Deg : Ciidamada XGDS oo Dilay Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada,Al-shabab

84

Wararka aan ka heleyno Gobolka Baay ayaa Sheegaya in Ciidanka xoogga, ay dilayn 19 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Argagixisada,Al-shabab

Sidoo kale Ciidmada ayaa noloshana ku qabtay labo dhagarqabe, iyaggoo sidoo kale gubay labo gaari, kadib markii ciidanka ay dagaal ku qaadeen deegaan qiyaastii 11 km u jira degmadda Diinsoor ee gobolka Baay oo laga war-helay inay ku dhuumanayeen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta codka ciidamada Q.S ayaa u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii maleeshiyaadka Alshabaab ay ku dhuumaaleeysanayeen, islamarkaasna qasaare xooggan laga gaarsiiyay.

Ciidamada  Xooga dalka ayaa waxa ay Maalmihii la soo dhaafay ay howl galo ka wadeyn degaano  ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya