Deg-deg Dagaal Caawa ka dhacay Cadaado

41

Faahfaahin dheerad ah oo an ka helayno  Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegays in dagaal uu caawa ka dhacay degmadaasi, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaas.

Wararkii ugu dambeyey ayaa sheegyaan in iska hor imaad Kooban uu dhexmaray Ciidanka NISA iyo Ciidan malleyshiyo beeleed ah oo ku sugan degmada,Cadaado kuwaas oo la sheegayo in ay yihiin kuwa aad u hubeysan.

Wararka ayaa tilmaamay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas iska hor imaadka ah, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xaalada Cadaado ayaa ah Caawa mid kacsan oo wali waxaa taagan xiisad dagaal.