DEG DEG: Dagaal Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxeeyo oo ka socda Galmudug.

47

Faahfaahino dheeraad ah ayaa  naga soo gaaraya tuulooyin hoostaga Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda uu halkaasi ka qaraxay, waxaana wararku ay sheegayaan in uu jiro khaasare ka Dhashay dagaalkaas.

Dadka Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu wali socdo, ayna maqlayaan Jugta hubka la isku adeegsanayo iyo Rasaas laga maqlayo halka uu dagaalku ka socdo.

Saraakiisha Ciidamada Galmuudg Weli kama hadli  ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay gacanta ku heynta deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.