DEG DEG.Dagaal ka Socdo qeybo ka mid Gobolka Galgaduud

31

Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus ka socdo oo u dhaxeeyo Ciidanka Xooga dalka iyo Maleeshiyadda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku darayan in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 21aad ayaa saaka weerar xoog leh kuqaaday fariisin ay malishiyadka Al-Shabaab ay kulahaayeen deegaanka labi dule oo waayadaan danbe ay kusugnaayeen kooxda alshabaab.

Saraakiil katirsan guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad oo aan lahadalnay ayaa iinoo xaqiijiyey in dagaalku hada kasocdo inta udhexeysa deegaanada Sinadhaqo iyo labi dulle waxaana ay ciidamadu qorsheeynayaan soo afjarida dagaalkaan bilawday ayuu yiri Sargaal katirsan guutada oo aan la hadalnay goor sii horeeysay.

Dagaalkan ayaa ah mid looga xureynaayo Ururka Al-Shabaab deegaanaada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.