Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas uu ka qarxay xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.
Dagaalka ayaa ka socda deegaano hoostega degmada Isku-shuban ee Bari, waxaana maleeshiyaadka aysan isku adeegsadan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegayaan dadka deegaanka qaarkood.
Dagaalkan ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed cusub oo la doonayay in laga abuuro deegaano hoostega Isku-shuban, iyadoo laba maleeshiyo oo halkaas wada-degta ay isku heystaan dhulka.