DEG DEG Kenya oo ka baxday dacwadii badda!

52

Kenya isaga baxday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda [ICJ], ee la xiriirtay dacwadii baadilka ahayd, ka hor dhageysiga loo qorsheeyay inuu bilaabmo Isniinta berri ah, ka dib bilooyin dib loo dhigay sida ay codsadeen maamulka Nairobi.

Sannadkii 2019, kiiska laba jeer ayaa dib loo dhigay, iyadoo xukuumadda Nairobi ku guuleysatay inay dib u dhigto markii saddexaad bishii Maarso 2020, laakiin isku daygeedii afaraad, maxkamada ayaa diiday in ay soo saarto dib u dhigidii afraad ee sanadkan, iyadoo ku doodeysa in qodobada ay soo bandhigtay Kenya aysan ahayn kuwa wax ku ool ah.

Waxayna wararku hada tilmaamayaan in Nairobi aysan kaqeyb gali doonin soo gudbinta afka ah ee berri, halkaasoo maxkamadu horey u laheyd qirasho soo bandhigid isku dhafan, taas oo u oggolaan lahayd labada dhinacba inay midkoodna caddeyn ku soo bandhigaan jir, ahaan ama iyada oo loo marayo bandhig muuqaal ah.