DEG-DEG Kenya oo Seddex nin ku wareejisay Odayaasha Ceelwaaq

53

.

dowlada Kenya ayaa Saakay degmada Ceelwaaq keentay Saddex nin oo kamid ahaa Dadkii Laga Afduubtay dhawaan deeganka yado we Gobolka Gedo.

Wararka aan ka heleyno Ceelwaaq ayaa tilmaamaya in maanta lagu wareejiyay seddexdaasi nin Odayaasha dhaqanka Dagmada Ceelwaaq ,iyo mas”uuliyiinta degmada.

Sidoo Kale waxaa laga xaalay diyada ama Magta Marxuun ku geeriyoodey gacanta Ciidamada dowlada Kenya markii ay ciidamada Kenya ay xoog ku soo galeyn Ceelwaaq.

Kulan u dhaxeeyo Saraakiil ka socoto Kenya odayaasha dhaqanka iyo maamulka magaalada ayaa waxaa uu ka dhacay Ceelwaaq waxaa diiradda lagu saaray sidii laga yeelilahaa dhibaatada soo noqnoqday ee ciidamada Kenya ay ka geestaan Halkaasi.