Deg-Deg- Markabkii Ku Soo Jeeday Muqdisho Oo La Afduubtay

23

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maanta shaacisay in kooxo burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen markab sitay calanka dalka Panama.

Reuters ayaa sheegtay in warkaasi uu u xaqiijiyay masuul ka tirsan maamulka Puntland.

Markabka ayaa la sheegey in uu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta kuna jeeday dekadda Muqdisho.

Kooxo burcad badeed ah oo illaa iyo lix gaaraya ayaa markabkaasi qafaashay habeenkii Arbacada, sida uu sheegey Muuse Saalax oo ah guddoomiya Gardafuu ee Puntland.

Ma cadda shaqaalaha ajaaniibta ah ee markabkaasi la socda.