Deg-deg :Mid Kamid Ah Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada Oo La Dilay

68

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysan Bastoolad oo saacadihii lasoo dhaafay Nin Odey ahaa ku  dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in  Ninka kamid ahaa ergaddii wax soo dooratay  lagu toogtay xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceelasha, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, waxaana halkaas ka baxsaday ragii hubeysnaa.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka ninka la toogtay, waxaana la sheegay in muddo inuu yaallay goobta.

Uruurka Nabad diidka  Al-shabaab warar ay ku qoreen barhooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilkaas loo geystay Ninka ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.