DEG DEG:-Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow Oo La Xiray

62

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaa in Maanta halkaas uu gaaray Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka  degay Garoonka diyaaradaha Ciyaar ee Hargeysa.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka degtay Garoonka.

Ilaa iyo hada lama oga sababta uu u gaaray in Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas, sida aan wararka helnay.