DEG DEG:-Qarax ka dhacay Muqdisho

81

Qaraxaqn oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Sarta Beexaani ee degmada Shibis, waxaana qaraxa kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaariga Siyaasiga ahna Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ee ka dhashay qaraxaas, kaas oo soo gaaray askartii saaeedy gaariga.