DEG DEG: Qarax culus oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

16

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeyboa ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoyska Black Sea iyo Daallo ee degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana uu ka dhacay goob ay ka agdhawaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha dowladda, balse waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana sidoo kale socda gurmad deg deg ah oo loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada ee ku sugnaa halkaasi.