DEG DEG:- Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

144

Qarax Jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ayaa  goordhaweyd ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaraxa ku aaddan.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay inta u dhexeysa Kpp iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana dad goobjoogayaaal ah sheegeen in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.