DEG DEG:-Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Faah-Faahin dheeraad ah

33

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeyb kamid ah Suuqa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Haan Gaas oo aad u buuxday, waxaana sigaar ah ugu dhex qaraxday goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa, laguna magacaabo Waayo-arag Electronic.