DEG DEG:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

44

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax daqiiqado kahor ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaarkood ee Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Kaxda, xili uu marayay inta u dhexeeysa xaafaddaha Xoosh iyo Suuq Liif.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Taliyaha Booliska degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo ilaaladiisa, iyagoo kusoo jeeda Magaalada, kana yimid degmadooda.