DEG DEG.Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo diiday Soojeedin kaga timid Farmaajo

36

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawada ayaa qoraal uu ku qoray Twitterkii ku diiday xil safiirnimo uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay, kadib markii laga qaaday Xilka Wasiirka arrimaha dibadda.

Cawad ayaa sheegay in waqtigan uusan diyaar u aheyn in uu qabto xilka Safiirnimo ee loo magacaabay.

Wareegto caawa laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul-wasaare Rooble ayaa xilkii looga qaaday Axmed Ciise Cawad oo dhowr sano xilkan haya.