Deg deg:Gudoomiye lagu dilay Muqdisho Goordhaw.

41

Warar aan ka heleynoqeybo  ka mid ah Kaxda ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay goor dhow ku dilay  gudoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka goobjoog ahaa Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali.

Marxuumka la dilay ayaa Waxaa uu ahaa guddoomiyihii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, iyadoo dilku uu ka dhacay isla waaxda uu maamulayay.

Ciidamada Amaanak Booliska ayaa waxa ay ku raad joogaan Kooxihii dilka geestay ilaaiyo hadda ma jirto cid sheegatay Dilaasi