Deg Deg:Xildhibaanada Barlamanka oo Meel Mariyay Sharciyo Muhim ah

23

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo haatan kulankooda uu ka socday xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho, ayaa ansixiyey golaha adeega Garsoorka.

Sida uu ku dhawaaqay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ogolaatay 145 mudane, wax diiday ma jira, sidoo kalena wax ka amuusayna ma lahan.