Deg-deg Cali Guudlaawe oo noqday Madaxweynaha Hirshabelle

38

 

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta u doortay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedkaasi, ka dib markii uu helay 86 cod.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. ayaa 86 cod helay halka ninkii la loolamayay Musharax Madaxweyne Hirshabeele C/raxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13 cod intii lagu guda jiray wareega kowaad ee cod bixinta taasoo ka dhacday magaalada Jowhar, guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabelle Dr. Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa ku dhawaaqay.

Mana jiriin wax codad ah oo xumaaday iyo cid ka aamustay

Tartamihii laga adkaaday C/raxmaan Jimcaale Cismaan ayaa aqbalay natiijada waxaana uu u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Shacabka iyo saxaafadda ayaa horey u sii saadalisay  doorashadaan inuu ku guuleysandoono

Waxaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

HirShabeellee ayaa ah maamulkii ugu dambeeyay ee kusoo biira nidaamka federaalka ee ay hadda ku dhaqanto Soomaaliya.