Degdeg :Hogaamiye Sare oo ka tirsan Falestiin oo Geeriyooday

36

 

Allaha u naxariistee mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan siyaasada  dowlada Falestiin Sa’ib Curayqaad ayaa u dhintay fayraska Corona.

65 jirkan ayaa ayaa ku geeriyooday Xarunta Caafimaadka Xadassah ee magaalada Qudus.

Siyaasi Curayqaad wuxuu ahaa xoghayaha guud ee Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo lataliyaha Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas.

Saddex maalmood oo baroor diiq ah ayaa looga dhawaaqay maamulka ninkii u horseeday wadahadalka nabada Israel labaatan iyo barkii sano ee la soo dhaafay.

Siyaasigaan geeriyooday ayaa waxaa uu ka mid ah dadka ugu sameyn badan Dhulka reer Falestin